MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal ka soo baxay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa looga digay ganacsata inay la macaamilaan Al-shabaab kuwaas oo looga yeeray Gobolka Shabeelaha Hoose.
Hoos ka akhriso qoraalka NISA.
HAY’ADDA SIRDOONKA IYO NABAD SUGIDDA QARANKA (NISA) WAXA AY SI DHOW ULA SOCOTAA ISKU DAYO KHAWAARIJTU UGU YEERAYAAN DAD GANACSATO AH DEEGAANNO HOOS YIMAADA GOBALKA SHABEELADA HOOSE. HADDABA HAY’ADDU WAXA AY UGA DIGAYSAA GANACSATADA IN AY U HOGGAANSAMAAN AMARRADA KHAWAARIJTU KU DOONAYAAN IN AY KU BOOBAAN HANTIDOODA, KADIBNA LO0 ISTICMAALO HANTIDAAS GUMAADKA DADKA SHACABKA AH.
SIDOO KALE HAY’ADDU WAXA AY UGU BAAQEYSAA SHACABKA SOOMAALIYEED IN AY KA FOGAADAAN XARUMAHA KHAWAARIJTA MAADAAMA AY BARTILMAAMEED U YIHIIN HAY’ADAHA AMNIGA DOWLADDA FEDERAALKA!