DEG DEG:- Heshiis horudhac ah oo laga gaaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

MUQDISHO-AYAAMAHA-War murtiyeedka soo bixi doona ayaa lasii helay qodobada ku qornaan doona marka loo eego doodihii taagnaa iyo xalka laga gaaray.

Waxyaabaha lagu heshiiyey in doorashada amnigeeda la wareegaan AMISOM islamarkaana doodii taagneyd meeshaas lagu soo afjari doono.

Hoos ka akhrios qodobada.

  1. In ammaanka doorashada doorashadda lagu wareejiyo ciidamada AMISOM gaar ahaan Madaxtooyada iyo goobaha ay doorashadu ka dhacayaan.
  2. In doorashadda lagu soo koobo hal magaalo.
  3. In qoondaada dumarka 30% la ilaaliyo.
  4. In wada hadal dheeraad ah lala yeesho Musharaxiinta iyo bulshadda rayidka.
  5. In 135 odey dhaqameed loogu dambeeyo soo xulista ergada doorashadda iyo
  6. In afartaan maalmood lagu soo gabagabeeyo doorashada xildhibaanada.

Qodob muran ka jiro ayaa taagan oo ah in dhinacyada qaar ay dalbadeen war murtiyeedka lagu soo saaro cambaareynta afgembigii fashilmay ee R/wasaaraha howshiisa lagu sameeyey 27-kii December 2021-kii.