DEG DEG: Hoobiyeyaal ku dhacay xarunta golaha shacabka ee shirka ka socday

MUQDISHO-AYAAMAHA-War goordhaweyd naga soo gaaray ayaa sheegaya in buuq uu ka dhacay xarunta golaha shacabka oo shir maanta ku lahaayeen xildhibaanada Labada aqal Baarlamaanka 11aad Soomaaliya.

Dhanka kale qaraxyo ayaa waxaa laga maqlay agagaarka Xarunta Villa Hargeysa, halkaas oo ay kulan kulahaayeen Xildhibaano katirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wariyeyaasheena ku sugan Xarunta Villa Harfeysa ayaa sheegaya in Albaabka laga galo Xarunta Villa Hargeysa ay kusoo dhaceen Hoobiyeyaal, isla markaana ay ku dhaawacmeen Shaqalo kamid ah Xarunta.

Guddoonka KMG ah ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa xilligaasi ugu baaqay Xildhibaannada in aysan banaanka u bixin, waxaana intaasi kadib kulanka ka dhashay buuq xoogan, iyada oo Wararka qaar ay sheegayaan in buuq iyo gacan hadal uu hareeyay.

Warraka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Guddoonada Kumeel aarka ah ee abada Aqal ay kulanka isaga soo baxeen markii uu uuqa xoogeystay, taas oo keentay in Kulanka uu xirmo.

Villa Hargeysa ayaa ku dhex taalla xarunta madaxtooyada soomaaliya iyadoo jawi kale ay gelineyso arintaan maanta dhacday siyaasadii cakirneyd ee dlaka.