DEG DEG:- Jubbaland iyo Galmudug oo kasoo horjeystay Wasiirada cusub.

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayyid Adan iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid.

Waxay shir ku yeesheen Aalada fogaan araga(zoom). Masuuliyiintu waxay shirka ku lafagureen Xaalada guud ee dalka iyo gaar ahaan arimaha Bulshada Beesha Sade (Mareexaan) ee Deegaanada Jubbaland, Galmudug, Ethiopia iyo Gobolka Banaadir.

Kadib masuuliyiintu markii ay iska xog waraysteen habka loo dhisay Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo qaabka wax loo qaybiyey, waxaa masuuliyiinta u cadaatay in lagu xadgudbay awood qaybsiga Beelaha Darood.

Labada masuul waxay isla qaateen in ay lagama maarmaan tahay in lahelo midnimo guud iyo muwaafaqo Beesha Dhexdeeda ah, taas oo ay kujirto Danta Beesha iyo Qaranka.

Hadaba labada Madaxwne ku-xigeen waxey si wadajir ah ugo’aamiyeen kuna baaqayaan in la iskugu yimaado shirweyne deg-deg ah oo looga tashanayo caqabadahaas kor ku xusan iyo sidii Beesha ay uga falcelin lahayd quursiga lagu sameyay.