DEG DEG:-Ku xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo lagu amray in si deg deg ah dalka uga baxo.

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Ku xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo inuu dalka uga baxo muddo todobo cisho ah gudahood.S

Mr Simon Mulongo ayaa lagu eedeeyay inuu ku guda jiro howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga ee nabad ilaalinta Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/risaaq ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay la xisaabtami doonto shaqaalaha AMISOM, gaar ahaan kuwa heerkooda yahay hoggaanka.

Ma ahan markii ugu horreysay ee dowladda Soomaaliya ay dalka ka mamnuucdo wakiilada Beesha caalamka ee ka shaqeeya Soomaaliya.