DEG DEG:- Kusimaha Taliyaha Nabadsugida oo laga dalbaday warbixin dhameystiran oo la xiriirta xariga Mukhtaar Roobow

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ka dalbaday Kusimaha Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka inuu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xiriirta xariga Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Wasiirka ayaa muddo 48 saacadood u qabtay inay hey’adda ku soo gudbiso warbixin dhameystiran, maadaama ehelada Mukhtaar Roobow iyo wakiilada matala ay si joogto uga cabanayaan in aam laga warheyn caafimaadkiisa iyo badqabkiisa, sidoo kalena dalbaday in cadaalad loo helo.

Ciidamada Itoobiya ayaa bishii December 2018 Mukhtaar Roobow ka qabtay Baydhabo, kaddib amar ka yimid dowladda Soomaaliya, xilligaasoo uu isku diiwaan geliyay tartanka doorashada Madaxtinimada Koofur Galbeed, waxaana tallaabada lagu xiray ka dhashay rabshado dad badan ku dhinteen.