DEG DEG:-Labo Senetar oo mucaarad ahaa oo laga saaray liiska Musharaxnimada

BAYDHABO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa ku dhawaaqay Liiska xubnaha cusub ee tartamayaasha Aqalka Sare Shan kursi oo kamid ah.

Waxaa uu xusid mudan in labo kursi oo ka mid ah Shantaasi ay ku tartami doonaan haweenka.

Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Xoghayaha Xisbiga UPD iyo Senetar Ilyaas Cali Xasan oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo ayaa laga saaray Liiska tartamayaasha Musharaxiinta Aqalka Sare.

Kuraasta shanta ah ee Aqalka Sare ee uu soo gudbiyay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa ahaa kuwo aad ugu dhow oo uu wato, iyadoo uu meesha ka saaray afar sanatar oo xubin ka ahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka 10aad.

Maalinta Isniinta ah ayaa lagu waddaa in la qabto doorashada Shantaan kursi.