DEG DEG:- Labo xildhibaan oo hadda lagu afduubtay Magaalada Nairobi.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur iyo Xildhibaan Axmed Cabdi koshin oo katirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow lagu afduubtay Magaalada Nairobi.

Xildhibaanadaan oo aad u dhaliili jiray xukuumadda Raisul wasaare Xamse ayaa maalmahaan ka waday soojeedin (Motion) kalsooni kala noqosho xukuumadda ah.

Ilo ku dhawdhaw dhaw xildhibaamada ay isla wadeen soojedinta kalsooni kala noqoshada xukuumadda ayaa innoo sheegay in maalmahaanba ay magaalada Nairobi iyo Xamarba kala kulmayeeen Xafiiska Ra’isulwasaare Xamse hanjabaad.

Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in labada xildhibaan lasoo daayey kadib markii la haysto muddo dhoor sacadood ah.

Waa markii ugu horreeysay oo xildhibaanno la afduubto tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh xillka la wareeray 15 May 2022-ka, waana arrin caqabad ku ah xorriyada iyo madax-banaanida Xildhibaanada.