DEG DEG:- Lacagtii Imaaraadka $9 Milyan ee taalay Bangiga Dhexe oo lagala baxay..

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sida ay xaqiijinayaan warar soo baxaya Safiirka Imaaraatka Carabta ee Kusugan Muqdisho oo uu weheliyo Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa saaka tagay Bangiga Dhexe, halkaas oo ay kala soo baxeen lacag dhan $9.6malyan oo ahayd lacagtii lagu qabtay garoonka Aadan Cade sanadkii 2018-kii, taas oo ay Hay’addaha DFS isku khilaafeen bilo kahor.

Amar ka yimid Madaxweynaha cusub Xasan Sh ayaa lacagta looga saaray Bangiga dhexe, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo muhiim ah.

Sida ay xogtu cadeynayso talaabada ayaa ahayd mid soo bilaabatay maalmo ka dib doorashadii Soomaaliya, marka ay dhamaatay, iyadoo horey RW Rooble u amray in lafasaxo, balse uu diiday Madaxweyne Farmaajo.

Safiirka iyo Wasiirka Amniga ayaa watay warqad amar ah oo lagu fasaxayo lacagtan, taas oo la aaminsan yahay in ay ogolaansho kahaysato madaxda la doortay.