DEG DEG:- Lafta-Gareen oo shir deg deg ah isugu yeeray Xildhibaanada Labada Aqal Ee K/Galbeed.

BAYDHABO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa isugu yeeray Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee laga soo doortay Koonfur Galbeed.

20-ka bishaan Maarso oo ah maalinta Axada ayey xildhibaanada isugu imaan doonaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta G/Baay, ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Maamulkaas la yeelan Shir Wadatashi ah, kaasi oo ku saabsan jiheynta doorashada dalka gaar ahaan tan Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen uu Xildhibaanada kala hadli doono dib u doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo arrinta doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay Jadwalkii Dhaarinta Xildhibaanada oo ay soo saareen Guddiga doorashooyinka  heer Federaal, kuna tilmaamay mid sharci darro ah.