DEG DEG:-Maxkamadda Sare oo go’aan ka gaartay qaadista dacwadda Kursiga Fahad Yaasiin

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda Sare ee dalka ayaa diiday qaadista Dacwadda kursiga Hop#086 ee Fahad Yaasiin, iyadoo sabab uga dhigtay in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka garnaqida cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee  Barlamaanka 11-aad.

Shalay ayaa Maxkamaddu dhageysatay dacwad ka dhanka ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee hakiyay kursiga hop#086 oo degaan doorashadiisu tahay Beledweyne, isla markaana uu horey ugu guulaystay taliyihii hore ee hay’adda NISA  ahna la-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qareenka u doodayay Fahad Yaasiin oo lagu Magacaabo Sakariye Ismaaciil ayaa sheegay in aysan jirin awood ka sareeysa Maxkamadda Sare, isaga oo Maxkamadda u gudbiyay codsi ku aadan la diido Go’aanka guddiga doorashooyinka ay ku hakiyeen Kursiga Hop#86.

Hayeeshee Xafiiska Garyaqaanka guud ee dalka ayaa dhankiisa ku dooday in heshiiska doorashada ee 17 september ee uu meel mariyay Baarlamaankii hore ee Soomaaliya in uu yahay sharci awood siinaya guddiga doorashada isla markaana aysan jirin cid kaga sarreysa go’aannada la xiriira.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa 18-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan ku dhawaaqay in la hakiyay qabashada doorashada kursiga Hop#086, hayeeshee Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle oo ka dhega adeegay Go’aankaas uu doorashada kursigaas qabtay 20-kii Bishaas Febaraayo, isla markaana uu kusoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.