DEG DEG:-Mid kamida Al-shabaabkii weeraray Hotel Xayaat oo isasoo dhiibay iyo wararkii ugu danbeeyey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hotel Xayaat, oo ku yaalla magaalada Muqdisho, ayaa wali waxaa ka dhax dagaalamaya dagaal yahanada Alshabaab.

Saraakiisha ammaanka, ayaa sheegay in weerarkani wali socda inay ku dhinteen illaa iyo 10 qof.

Rasaas teel-teel ah ayaa weli laga maqlayaa gudaha hoteelka.Laamaha amnig ayaa sheegay saacad kadib in ay soo af-jari doonaan weerarkan oo xalay soo bilowday.

Dhanka kale xubin katirsanaa Alshababkii weeraray hoteelka Xayaat ee Muqdisho ayaa goordhaw isku soo dhiibay ciidamada dowladda ,sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil amniga qaabilsan.

Weli waxaa socda howlgalka ay ciidamada dowladda ku doonayaan in ay kusoo af-jaraan weerarka hoteelka Xayaat ee Muqdisho.