DEG DEG: Midowga Murashaxiinta oo qaaday tallaabo culus kuna dhowaaqay arrimo xasaasi ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa shaaciyay in qaban donaan Shirweyne Wadatashi oo ay kasoo qayb geli doonaan dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxay sheegeen in mar walba ay u taagan yihiin xaqiijinta in ay dalka ka qabsoonto doorasho hufan, daahfuran, natiijadeedana la isla oggolyahay.

War-Saxaafadeedkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in la magacaabi doono 2 guddi oo kala ah Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha iyo Guddiga Amniga Shirweynaha.

Arrintaas ayaa waxaa ka dhalankaro gacan ka hadal ama dagaal dhexmaro Mucaaradka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdillahi Farmaajo oo aan marnaba ka hadal xaaladda cakiran ee dalku kusii socdo.

Hoos ka akhriso.

Golaha Midowg Murashaxiinta wuxuu mar walba u taagan yahay xaqiijinta in ay dalka ka qabsoonto doorasho hufan, daahfuran, natiijadeedana la isla oggol yahay.

Goluhu wuxuu 30 November 2021 u cadeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in qaabka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay dhammaan shuruudihii hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada, iyadoo doorashadii la sugayey isku beddeshay boob qaawan.

Sidoo kale ayuu Goluhu 10 December 2021 soo bandhigay sida lagu sixi karo doorashada, wuxuuna ku baaqay in la isugu yimaado shir lagu saxayo khilaafka ka taagan doorashada.

Golaha waxaa u caddaatay in aysan jirin cid xil iska saaraysa joojinta boobka doorashada iyo taaba gelinta tallaabooyinka lagu saxayo. Waxaa kaloo u cadaatay in masuuliyiinta heer federaal iyo dawlad goboleedba aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natijadeedana la isla aqbalo, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni.

Haddaba Golaha oo gudanaya xilka iyo masuuliyadda ka saaran samata-bixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo daahfuran ayaa u hawlgelaya qabsoomida shirwayne wadatashi Qaran oo ay isugu yimaadaan Ahlu-xali Wal-caqdiga bulshada Soomaaliyeed. Si loo taabba geliyo hawshaas culus ayuu Goluhu u magacaabayaa

1-Guddiga Qabanqaabada Shirwaynaha 2-Iyo Guddiga Amniga Shirwaynaha