DEG DEG: Midowga Murashaxiinta oo soo saaray qodobo xasaasi ah, farrin adagna u diray G/Mursal.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa soo saaray War-saxaafdadeed dhinacyo badan taabanaya,oo ay kaga hadleen arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka xooggan ee soo kala dhexgalay Xukuumadda iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Midowga Musharxiinta oo ka kooban ilaa iyo Siddeed qodob ayaa waxaa qodobada la isla gartay ka mid ah, in RW Rooble la garab istaago, oo midowga Musharixiintu ay si buuxda u garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo War-saxafadeedka lagu sheegay in ay ku garab taagan yihiin dhinacyada ammaanka iyo doorashada.

Hoos ka aqriso qoraalka Golaha Midowga Musharaxiinta.