MUQDISHO-AYAAMAHA-Warbaahinta Soomaaliya gaar ahaan kuwa Muqdisho ayaa caawa waxaa qabsaday oo si weyn loo hadal hayaa musharax u taagan kursiga HOP86 oo horey ugu fadhiyey Wasiir waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo uu Musharaxnimadiisa Xildhibaanimo ku shaacinaayey Dr Maxamed Xaaji ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Dr Maxamed Xaaji oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed sidookalena kamid ah Culumada, ayaa u sharaxan kursiga tirsigiisu yahay Hop86.
Xaflada shaacinta Musharax Xildhibaan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay nabadoono, aqoonyahano, dhalinyaro. haween, culumaaudiin iyo qeybaha kala duwan beesha, waxaana musharax lagula dardaarmay in hadii kursiga uu helo si siman ugu adeego beesha, kana saaro mad-madowga ka dhexjira beesha.
Kursigaan ayaa waxaa horey ugu fadhiyey wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabduqaadir,dadka lagu matalo kursigan ayaa muddo ku dhow sanad waxaa ay ahaayeen matalaad la’aan.