DEG DEG:- MW Farmaajo oo qaadaya Tallaabo Militari iyo Ciidamo lagu daadiyey Wadooyinka Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid isticmaalaya xal milateri oo la mid ah midda hada ka taagan Magaalada Boosaaso ee Siciid Deni uu adeegsaday, waa halka dabeecad ee Farmaajo Deni iska shabahaan.

Dhanka kale ciidamo aad u hubeysan oo wata gawaarida dagaalka ayaa hada xirtay wadada Makka Al Mukarama oo halbowle unah isku socodka dadweynaha, iyagoo sidoo kale xirtay wadooyinka jidcadayaasha ee soo gala wadada Makka Al Mukarama.

Warbixin hada ka hor aan diyaarinay ayaan uga hadalnay in Farmaajo iyo Siciid Deni ay xilinta khilaafaadka ay isaga mid yihiin in dagaal wax lagu xaliyo, taas oo u muuqata in meesha ka saaraysa in wada hadal lagu wajaho khilaafka haatan taagan.

Maanta Magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho ayaa waxaa ka taagan saan-saan dagaal, iyadoo malintii seddexaad uu dagaal ka socdo Magaalada Boosaaso, inkastoo dhinacyada dagaalamaya iska dhega tireen baaqyadda heer caalami iyo heer gobolba ee loo soo jeediyey.