DEG DEG:- Qarax ismiidaamin ah goordhow ka dhacay Muqdisho.

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qarax Ismiidaaminta ah ayaa ka dhacay Xaafad u dhaw Wasaaradda Gaashaandhigga, gaar ahaan aagga Guryaha Saraakiisha ay degan yihiin ee degmada Hodan.

Wararku waxaa ay sheegayaan qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo ciidan katirsan dowladda.

Ugu yaraan labo qof oo ciidan ah ayaa ku dhimatay  shankalena way ku dhaawacmeen, lamana qarax soo gaaray dadka shacabka ee ka agdhow goobta uu qarax ka dhacay.

Wararku waxaa ay sheegayaa in Cabdi Axmed Yuusuf (Afar sheegle) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Shebeellada hoose la isku qarxiyey.

Afar Sheegle ayaa u geeriyooday qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala eegtay.

Qaraxan ayaa noqo kii ugu horreeyay oo Ismiidaamin ah oo muddooyinkaan ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo magaalada ayaa muddooyinkaan ku jirta jawi nabadeed marka laga reebo madaafiicda ay soo tuuraan Al-Shabaab.