DEG DEG:- Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay degmada Balcad

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ayaa waxaa uu sheegayaan qarax noociisu yahay miinada dhulka lau Aaso ayaa goordhow ka dhacay Maqaayad ku taalla degmada balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa la dhigay maqaayad laga cunteeyo oo lagu magacaabo Maqaayadda Bintood, taas oo kasoo horjeeda Xarunta Maamulka degmada balcad, halkaas oo ay inta badan tagaan Xubno kamid ah Shaqaalaha Maamulka degmada.

Qaraxa ayaa khasaaraha ugu badan uu geystay ayaa ah dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah dadkii ka cunteeynayay, waxaana Goobta tegay Ciidamada Maamulka degmada, kuwaas oo gurmad u sameynaya dadka dhaawacmay.