DEG DEG:- Qarax lagu weeraray Xarunta Maamulka gobolka Banaadir.

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Jugta qarax xoogan ayaa waxaa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in qaraxa lagu weraray Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ku Shaqeeyaan mas’uuliyiinta sar sare ee Maamulka.

Warar la helayo ayaa sheegaya in qarax koowaad uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu dhuftay Albaabka dambe ee Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in rag hubeysan ay gudaha u galeen Xarunta Maamulka gobolka Banaadir oo Shaqooyin kala duwan ay ka socdaan, waxaana jira khasaarooyin kala duwan oo qaraxa ka dhashay.

Shaqaalihii ugu badnaa ee ka howlgalayay xaruunta Gobolka Banaadir oo ay ku jiraan agaasimayaal ayaa laga soo saaray iyaga oo badqaba gudaha xaruunta maamulka Gobolka Banaadir oo daqiiqado kahor la weeraray.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qarxyadaas ka dhacay magaalada  caasimadda ah ee Muqdisho, aaga xarunta Gobolka ayaa waxaa kusii qul-qulaya gaadiidka gurmadka deg dega ah.