DEG DEG:- Qarax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Kismaayo.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Gaari Buska ah oo ay saarnaayeen ciyaartoyda Kooxda JCCI oo difaacanaayey heerka koowaad ee Jubbaland ayaa qarax lagula eegtay kismaayo.

Gaarigii ayaa gabi ahaanba Gubtay waxaana Jira dhimasho iyo dhaawac.

khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray cayaartoyda, , waxaana ku dhintay Afar ka mid ah Kooxdii saarneyd baska.

Masuuliyiinta Jubbaland waxay xaqiijiyeen in Qaraxa lagu xiray gaariga.

Laamaha Amaanka iyo Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Qaraxan ayaa kusoo aaday xilli maanta xariga laga jarayo garoonka waamo iyo Horyaalka heerka koowaad ee jubbaland.
Abdifatah Haaji dirir