DEG DEG:- Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo is casilaya kana baxaya Ethiopia.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar ku dhaw ilo diblomaasiyadeed oo ka soo baxaya kulan galabta dhex maray wafdi ka socda dalka maraykanka oo uu hogaaminaayo danjiraha dalka maraykanka u qaabilsan mandaqadda Geeska Afrika Ambassador Jeffrey David Feltman iyo Ra’isal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegaya in dawladda maraykanka mawqifkeedu yahay in Abiy Axmed uu is casilo kana baxo Ethiopia.

Maraykan ayaa sheegay in waajib tahay in la badbaadiyo Itoobiya oo wada-hadalo lagu qaboojinayo collaada iyo dagaalka ba’an ee Ethiopia ka taagan.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa la sheegay inuu ka diiday ergayga maraykanka baaqa ah inuu is casilo, balse warar hoose ayaa tibaaxaya in kulan u socdo dhibacyada ku bahaysan xukuumadda Abiy Axmed, oo doonaya inuu ra’isal wasaarahu is casilo dalkana ka baxo, taasi oo ay u arkaan inay baajin karto in xoogaga TDF iyo OLF ay qabsadaan magaalada Addis Ababa.

Dhinaca kalana Afhayeen u hadlay xoogaga TDF Gatechew Reda ayaa sheegay inay diyaariyeen xukuumaddii badali lahayd Abiy Axmed qorshahooduna yahay inay si nabadgalyo ah kula wareegan magaalo madaxda Ethiopia ee Addis Ababa.