DEG DEG: Ra’iisul wasaare Rooble oo saxiixay heshiis ku kacaya malaayin doolar ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhoweyd heshiis la xiriira arrimaha doorashooyinka la saxiixday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in xafiisku uu QM la saxiixday lacag dhan $7.2 Milyan (Toddobada Milyan iyo labo boqol oo kun oo dollar), oo qeyb ka ah qarashka ku baxaya doorashada.

Lacagta uu maanta xafiiska Rooble la saxiixday xafiiska Qaramada Midoobe ayaa qeyb ka tahay yabooha fududeyn doona dardar-gelinta doorashooyinka ka bilowday dalka.

Rooble iyo xafiiskiisa ayaa dadaal xoogan ugu jira dardar-gelinta hanaanka doorashooyinka dalka oo uu mas’uul ka yahay, taasi oo ka bilaabatay qeybo kamid ah dalka doorashada Aqalka Sare.

Heshiiskan ayaa yimid laba maalmood kadib markii Farmaajo uu wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu ka joojiyey in hay’adaha dawladdu ay heshiiyo ama is-afgarad la galaan dawldaha, iyo shirkadaha shisheeye ilaa inta doorashada laga soo gabagabaynayo.