DEG DEG:- Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilkii ka qaaday wasiirkii Amniga mid cusubna Magacaabay..

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxmaed Xuseen Rooble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka,tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

Wasiirka xilka laga qaaday Xasan Xundubey ayaa la sheegaa in saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, sidoo kale wasiirkaan cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo ku magac dheer ayaa aad u mucaaradi jiray xukunka Farmaajo.

Arrintaan isbedelka ee wasiirka amniga iyo taliyaha Nabad sugida ee dhowaan sameeyey Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka dambeysay kadib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.