DEG DEG:- Ra’iisul wasaarihii SUDAN oo gurigiisa laga la baxay.

Afgembiga Cabdalla Xambuuk

MUQDISHO-AYAAMAHA-War goordhow naga soo gaaray dalka Suudaan ayaa waxaa uu sheegayaa in militariga dalkaasi ay isku dayayaan inuu ka dhaqan galo afgambigii saaka ka dhacay dalkaas.

Wararkale ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaariha Suudaan Cabdalla Xambuuk gurigiisa laga la baxay, ka dib markii uu diiday in uu soo saaro warqad uu ku taageerayo Af-gembiga.

Muuqaal laga soo duubay ayaa muujinaya bannaan baxyo ka socda wadankaasi, iyada oo la soo sheegayo in internetka go’ay.

Dhanka kale dowladda Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu joojin doono kaalmada uu siinayo Khartoum haddii aan la hor is-taagin af-gembiga milateri.

Lama oga in dibadbaxyadu ay joojin karaan afgembiga ayadoo markii hore ururka xirfadlayaasha Suudaan oo muddo bilooyin ah waday dibadbaxyadii horseeday in xilka laga tuuro madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa haatan shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan waddooyinka si ay uga hortaggaan inqilaabka militeri.

Afgembiga Cabdalla Xambuuk