DEG DEG:-Raila Odinga oo lala’yahay meel cirib iyo jaan uu dhigay.

Former Prime Minister of Kenya Raila Odinga delivers a speech during the memorial service for former Kenyan President Mwai Kibaki at the Nyayo National Stadium in Nairobi on April 29, 2022. (Photo by TONY KARUMBA / AFP) (Photo by TONY KARUMBA/AFP via Getty Images)

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shacabka Kenya, ayaa Baraha Bulshada isku weydiinaya halka jaan iyo cirib uu dhigay Raila Odinga, kahor inta aan lagu dhawaaqin natijada doorashada guud ee madaxtinimada.

Wali ma iman xarunta codbixinta qaranka, marka la eego ninka ay xafiiltamayaan ee, William Ruto, oo kusugan xarunta.

Xamaasad kooban ayaa dhacday, kadib markii kolonyo baabuur ah ay soo galeen xarunta lagu wado in lagaga dhawaaqo natiijada doorashada, balse ruuxaasi xamaasadda dhaliyey waxay noqotay hooyada dhashay Ruto.

Odinga ayaa la sheega in weli uu ku jiro gudaha gurigiisa.

Kooxaha warbaahintu, ayaa waxay dageen goob u dhaw ilinka laga galo Bomas, goobta ay haatan kusugan yihiin madaxda iyo hawl wadeenada guddiga doorashada iyo xuduudaha ee dowladda Kenya.

Odinga oo u tartamaayey xilka Madaxweynaha tan ilaa 2007-dii ayaa weli ku guuleysan.