DEG DEG : Rooble oo qaadacay Heshiiska Cusub ee Shidaalka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen  Rooble ayaa qaadacay Heshiis shidaal Cusub oo wasaarada patroolka gashay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri “Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan.

Ra’iisulwasaraha ayaa qaadidoonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed”

Wadanka Soomaaliya ayaa haataan waxaa uu ku jiraa marxalad doorasho oo waqti badan qaadatay tan ilaa 2020, mana jirto waqti cayiman oo la soo gabagabeyn karo, sidaas darteedna majirto heshiis la isku waafaqsan yahay oo ku sabasan soo saarista shidaalka Soomaaliya.