DEG DEG:-Rooble oo qorsheynaya inuu kala diro ‘guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka’.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xog gaar ah oo ay heshay AYAAMAHA ayaa sheegaysa in Ra’isul Wasaare Rooble uu qorsheynayo inuu kala diro guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka maadama ay sameeyeen qaladaad waaweyn oo dhanka daahfurnaanta.

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa shalay soo saaray in kursiga uu ku fariistay agaasimaha kumeel gaarka ah NISA ee Yaasiin Farey loo maray hanaan sharci ah, sidookale doorashada Yaasiin Farayna ay tahay mid sax ah.

Arriintaan ayaa keentay inay lunto kalsoonidii lagu qabay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, maadaama loo maleynayo inay u xaqliyeenka dhanka Villa Somalia oo la aaminsan yahay in guddiga uu kala kulamayo cadaadis xoogan.

Midowga Musharaxiinta ayaa gaashaanka u daruuray gebi ahaanba hanaanka uu ku socodo doorashada, ayagoo ku tilmaamay inay tahay boob qaawan oo Madaxtooyada ay wado.

Lama oga inuu Ra’iisul wasaare Rooble uu ka dhabeyn karo go’aankaan oo guddiga uu kala diri karo balse haddii Rooble uu kala diro guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka waxaa markale dib u dhici doono doorashada.