DEG DEG: Rooble oo xilalkii ka qaaday madax sare oo ka kala tirsan NISA iyo Hay’adda Socdaalka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in Cabdullaahi Kullane iyo Cabdiwaab Sheekh Cali xilkii looga qaaday kadib markii ay ka hor-imaadeen amarkii Ra’iisal wasaaraha ee dhigayey in qofna lagu celin karin garoomada dalka.

“Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Sidoo kale waxa uu afhayeenka sii xoojiyey in marnaba loo dulqaadan karin in qof muwaadin ah lagu celiyo garoomada dalka, xili la filayo in dalka ka qabsoomto doorashooyinkii lagu heshiiyey 27-kii May.

C/llaahi Kulane ayaa ahaa nin Awood badan ku lahaa NISA, sidoo kale malafka Arrimaha Gobolka Gedo ninka hoggaaminayay ayuu ahaa, awooddiisa NISA waxay gaarsiisneyd sida Taliye Kuxigeen NISA.