DEG DEG:- RW Rooble oo Amray Wakiilka Midowga Afrika in 48 Saac uga baxo Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’isul Wasaare Rooble oo soo saaray warsaxaafadeed uu ugu aqooonsaday Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin, isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa uma faray in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo”.