DEG DEG:- RW Rooble oo shaqadii ka joojiyay mid kamid ah Golihiisa wasiirada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisal wasaaraha XFS Mahamed Xuseen Rooble ayaa baabi’iyay warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xernaa xeebaha dalka Cumaan.

Warqad ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu baabi’iyey go’aankii uu wasiirka Cabdisaciid Muuse ku fasaxay Markabkaas, maadaama uu khilaafsan yahay shuruucda qaranka iyo kuwa caalamka, khatarna uu ku yahay qaranka.

Sido kale Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha debadda Cabdisaciid Muuse Cali .

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray xafiiska hantidhowrka qaran iyo hay’adaha amniga in ay baaritaan ku sameeyaan falkaan iyo sidii uu dhacay ayna ugudbiyaan hay’adaha garsoorka ee ku shaqada leh.