DEG DEG:- RW Rooble oo Shir isugu yeeray Saraakiisha Ciidamada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib weerarkii Al-Shabaab xalay ka geysteen qeybo ka mid ah Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhamaan taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ka dhageystay warbixino la xiriira xaaladda Amni ee dalka iyo weeraradii xalay ka dhacay Muqdisho.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hay’adaha amniga faray in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga Caasimadda.

Xalay Saqdii dhexe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo iyo weeraro toos ah oo laga beegsaday Saldhiga Booliska degmada Kaxda iyo degaanka Daaru-Salaam