DEG DEG: Sanatorkii ugu horreeyey oo lagu doortay Kismaayo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland ka bilaabatay doorashada qaar kamid ah xildhibaannada Jubbaland, iyada oo Goordhow la doortay Xildhibaankii ugu horreeyay ee Aqalka Sare.

Munaasabadda doorashada oo ay ku sugan yihiin, Xildhibaannada Golaha Wakiilada Jubbaland, guddiga doorashooyinka Heer Federaal & xalinta khilafaadka doorashooyinka ayaa ilaa 9 Musharax waxaa ay ku tartamayaan Afar kursi oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamaanka 11aad.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland ayaa shaaciyey in musharrax Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 cod, halka Iyaas Gabboose uu helay 55 cod, wuxuuna sidaas ku noqday musharraxii ugu horreeyey ee loo doortay ka mid ah noqoshada Golaha Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada saddexda kursi ee kale, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Doorashadan waxaa goobjoog ah guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal iyo sidoo kale kan xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Jubbaland ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.