DEG DEG:- Shirkii lagu dhex dhexaadinayay Farmaajo iyo Rooble oo lagu kala tagay!

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirkii lagu dhex dhexaadinayay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday, iyadoo goordhow lagu kala tagay, kaddib saacado badan oo ay is hor-fadhiyeen.

Guddiga Madaxweynaha ka socday ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan C/shakuur Mire iyo Aadan Qoryooley oo ah Wasiirka Boostada Isgaarsiinta Galmudug oo saaxib dhow la ah Fahad Yaasiin, halka dhanka Ra’iisul Wasaaraha ay ka socdeen Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, waxaana korjooge ka ahaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Labada dhinac ayaa isku mari waayay qodobada kala ah kiiskii Ikraan Tahliil in lagu sameeyo baaritaan madax bannaan oo hey’addaha Cadaaladda u gudubto iyo arrinta Taliyaha NISA.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu diiday labadaas qodob, kuna adkeystay in gorgortan aan laga geli karin, halka Ra’iisul Wasaaruhu uu mowqifkiisa ku taagnaa.

Arrimaha layaabka leh ee laga diiwaan geliyay shirka caawa ee Villa Somalia ka socda ee dhex dhexaadinta Farmaajo iyo Rooble ayaa ah in Wasiirka Boostada Iyo Isgaarsiinta Galmudug Aadan Qoryooley uu Farmaajo ku matalayo Guddiga wada hadalka, Halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu waan waanta wax ka wado. Sidee isku qabanee Madaxweyne Dowlad Goboleed iyo Wasiirkiisa inay hal madal labo aragti ku kala matalaan?

Wararka Gudaha iyo Dibbada