DEG DEG:- Taliyihii NISA ee Garoonka Aadan Cade oo xilkii laga qaaday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska NISA ayaa xilka ka qaaday taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde oo lagu magacaabo Khadar, waxaana shaqada loo magacaabay gabar ku xigeen u ahayd inay sii waddo shaqada.

Khadar, ayaa ahaa sarkaal awood badan ka haystay Madaxa NISA Waxaana hore loola xariiriyay in uu ahaa sarkaal inta badan ku lugta lahaa joojinta iyo imaanahiyaha Siyaasiin laga joojiyay safaro.

Ciidanka NISA ee garoonka ayaa si gaar ah Waxa ay gacanta ugu hayeen malafka gobolka Gedo taasi oo ay si rasmi ah ay iyaga ay u hoos imaan jirtay.

Tani waxa ay bilaw u tahay shaqada dowladda cusub ee Hassan Sheekh Maxamuud ay ku dooneyso inay u gaarsado Taliyaaashii iyo kuwii la shaqeyn jiray Madaxweyne hore ee Farmaajo inay meesha ka saaraan.