DEG DEG:- Taliyihii NISA Ee Garoonka Diyaaradaha Dooloow Oo la dilay

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka inaga soo gaaraya degmada dooloow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi maanta barqadii uu ka dhacay dagaal udhaxeeyey ciidamo kawadatirsan Dawladda Soomaaliya.

Waxa la sheegay in dagaalka uu dhexmaray ciidanka Nabad sugida iyo kuwa Gor gor Xoogga Soomaaliya kaas oo la sheegay inuu salka ku hayey gacan ku dhiigle dil geystay oo maxkamad in lagu soo taago muqdisho la doonayey balse la is hortaagay.

Askariga NISA katirsanaa ayaa waxaa ciidamo saaxiibadiis ah oo Dooloow kusugnaa ay sheegeen inaysan aqbali doonin in meel ka baxsan dooloow lagu maxkamadeeyo.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo saraakiil la socotay ayaa la sheegay in ay ka bad baadiyeen israsaaseyntaasi iyaga lala damacsanaa in lagu beegsado.

Inta la og yahay Hal qof ayaa dhintay tacshiiradaasi,kaas oo ahaa Madaxii ilaalada garoonka diyaaradaha Dooloow oo lagu magacaabi jiray Ganeey,waxaana xaaladu ay hadda tahay mid deggan.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay israsaaseyntaasi Taliye kuxigeenka NISA Ee Gobolka Gedo Maxamed Yacquub,waxaana xaaladu markii dambe ay kusoo laabatay xaalad degganaanshiyo ah.

Madaxda Maxkamadda Ciidamada Qalabka ayaa la sheegay inay nabad qabaan,kuwaas oo la diiday inay maxkamadeynta Baare C/llaahi Cosoble in meel ka baxsan Gobolka Gedo lagu qaado..