DEG DEG:- Wasiirada Soomaaliya oo lagu amray inaysan dalka ka dhoofi karin!

WasiiradaMUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamse Barre ayaa xog la ogaaday waxay sheegeysaa inuu soo saaray amar culus oo ku wajahan Wasiirada Xukuumadda katirsan.

Akhbaaraadka la helay ayaa muujinaysa in amar la dul dhigay Golaha Wasiirada isaga oo RW Xamse faray in wasiir aan ka fasax qaadan isaga aanu dalka ka bixi Karin.

Ilaa hadda ma cadda sababta,ka dambeysa arrintaan hayeeshee wasiirrada doonaya in ay dibadda usafraan ayaa hadda kadib warqad fasax u qoran doona xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shaqaalaha dowladda oo keliya ayaa kolkii hore amarkaan uu saarnaa in ay fasax ka qaataan xarumaha ay ka shaqeeyaan kolka ay dhoofayaan.

Arrintaan lagubogaaday in Wasiirada qaar xilliyada ay safarada dibada aadaan ay hore wafdigooda uraaciyaan dhalinyaro wiilal iyo gabdho iskugu jira oo ay lacago ka qaataan sidaasna dalalka ay tegaan iska dhiiba.