DEG DEG:- Wasiirka Amniga oo looga yeeray Golaha Shacabka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa looga yeeray xaruunta Golaha Shacabka si loola xisaabtamo.

Qoraal kasoo baxay golaha shacabka ayaa uqornaa sidan:- “Xildhibaanada Sharafta leh,
Barri oo Sabti ah taariikhduna tahay 08.07.2023, waxaa jira kulan Golaha Shacabka JFS”

Ajendaha:

1. Warbixinta iyo Laxisaabtanka Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali ( Dr. Doodisho)

Goobta: Villa Hargeisa.
Wakhtiga – 9:00 subaxnimo.
Waxaan laga codsanyaa in Xildhibaanada ay ilaaliyaan Waqtiga
Mahadsanidiin.