DEG DEG:- Wasiirka Amniga oo shaqo joojin ku sameeyey Taliye Xijaar..

Warqad shaqada looga joojiyey Taliyaha Booliska Soomaaliya, Taliye Xijaar ayaa waxaa soo saaray Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Hoos ka akhriso.

Xijaar oo shaqadda laga joojiyey, waa Ku daayey wax badan ayuu soo hadlay xilliga Saxuurta.

Wasiirka Amniga ayaa yiri, anigoo xeerinaya.

1. Waxaa shag joojin lagu sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan
Maxamed, laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay 27 April 2022.

2. Waxaa si KMG ah hogaanka Cidanka Booliska usii wadaya Taliye kuxigeenka Cidanka Booliska
Soomaaliyeed.

3. Wasirku waxaa u farayaa saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda in ay ka fogaadaan
kumilanka siyaasada gar ahaan arimaha doorashooyinka una gutaan waajibaadkooda si dastuuri.

4. Wasiirka Amnigu waxaa ku wargelinayaa Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka iyo xildhabaanada sharafta leh in ay u madaxbanaan yihiin goorta, Goobta qabashada doorashada Guddoonka Golaha.