DEG DEG: Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xilkii laga qaaday iyo sababta ka dambeysa.

53

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah:

Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo

Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni)  oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.