DEG DEG:- Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Guri ku yaala MUQDISHO.

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Jugta qarax xooggan ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan degmada Cabdicasiis, waxaana qaraxa kadib xigay rasaas farabadan oo mar qura isku dhacday.

Warar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid Is-miidaamin ah, waxaana lagu weeraray Guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, waxaana Gurigaas degan sida la tilmaamay Jeneraal ka tirsan ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Garabey.

Dabley hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa gudaha u galay guriga, isla markaana waxaa haatan ka socda dagaal u dhexeeya xubnaha Al-Shabaab iyo ciidamo ka tirsan dowladda oo guriga la weeraray ku sugnaa.

Warar la helayo ayaa sheegaya in gurigga weerarka lagu qaaday guri ku dhagan lagu dabiibayay ciidan kusoo dhaawacmay dagaalo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.