DEG DEG:-Xafiiska Hantidhawrka Guud oo ka hor yimid Heshiska Qaadka ee lala galay Kenya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa mar kale adkeeyay joojinta heshiisyada waa wayn ee ay Hay’adaha Dowladdu galayaan inta laga ansixinayo Xukuumad rasmi ah.

Arrinkan ayaa yimid kaddib markii uu ka war helay qaar ka mid ah Hay’adaha Dowladda oo billaabay hannaan ay ku galayaan heshiisyo ay ku baxayso malaayiin doollar.

Gudoomiyaha Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye ayaa hadalkaan kasoo baxay Xafiiskiisa waxa uu kusoo beegmayaa xilli heshiis dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh la saxiixday dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Hoos ka akhriso