DEG DEG: Xafiiska RW Rooble oo sheegay inuu socdo abaabul ka dhan ah Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala oo maqribnimadii caawa saxaafada la hadlay ayuu kaga warbixiyey dhul boobkii lagu eedeeyey R/wasaaraha inay been abuur yihiin.

Alcadaala ayaa ku sheegay shakhsiyaad dano gaar ah leh inay soo abaabuleen sumcad dilka lala rabo R/W Rooble inkastoo uusan magac dhabin shakhsiyaadkaasi.

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa waxa uu sheegay in waxa ugu weyn ee laga leeyahay tahay dacaayadahaasi in dib loogu dhigayey dedaalka siyaasad hufan uu R/wasaare Rooble dalka ku hogaamiyo doorasho sax ah.

Saraakiil Ciidan iyo Shaqaale katirsan Hay’adaha Rayidka ayuu sheegay in ay dacaayadahaasi ka dambeeyeen faafintooda.

“Raiisul wasaare Rooble Doorasho ayuu ka shaqaynayaa taas ayaa ah sababta loo soo abaabulay dacaayadaha ka dhanka ah, waxaana haynaa caddaymo ku filan abaabulkaas oo aan xilligeeda soo bandhigi karno” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Ugu dambayn wasiir Cadaala ayaa sheegay in xukuumadda aysan wax badan ka qusayn arinta guddiga doorashada heer federal  ay xilka uga qaadeen gudoomiye Cirro.asaga oo xusay in ay leeyihiin xeerar ay isku maamulaan.