DEG DEG:- Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Jubbaland iyo Koonfur oo diiday xukuumada cusub

Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Galmudug iyo Koonfur ayaa kasoo horjeystay xukuumada cusub ee RW Xamza.

Arrintaan ayaa loo arkaa inay ka dambeeyaan labada madaxweyne Maamul Goboleed ee Koofur Galbeed iyo Galmudug Qoorqoor iyo Laftagareen iaygoo adeegsanaya xildhibaanada kasoo jeeda labada Maamul.

Hoos ka akhriso.

Xildhibaanada labada Aqal ce Barlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ce deegaan doorashadooda tahay Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayna wehliyaan qaar ka mid ah kuwa Jubaland oo maalmahaan lahaa kulan wadatashiyo kagana arrinsanayeen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo qaab dhismeedka xukuumada cusub ee Mudane Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waxay dood iyo falanqeyn dheer ka dib soo saareen bayaan ka kooban dhowr qodob oo kala ah:

1. Xildhibaanada waxay isla qireen in ujeedka xukuumada cusub aysan aheyn dan-qaran ah, balse u arkaan xukuumad abuuri karta dareen iyo dhiilo horseedi kara dib u dhac, qalalaase siyaasadeed iyo wada shaqeynta la’aan dhex marta maamulada dalka iyo dowladda federaalka.

2. Xildhibaanadu waxay isla qireen in xilalka golaha fulinta ee qoondo ahaan loo siiyey Dowlad

Goboleedka Koonfur Galbeed ay yihiin kuwa aan si cadaalada oo siman aan loogu qeybin beelaha

iyo deegaanada dalka, loogana gol leeyahay ku takrifal awooda dowladda iyo in taladii dalka hal

dhinac gacantooda ku aruurto.

3. Xildhibaanadu waxay isla qireen in qaab dhismeedka xukuumada cusub tahay mid baalmarsan heshiisyadii siyaasadeed ee dalka ee saami-qeybsiga beelaha Soomaaliyeed ee Golaha fulinta & xilalka kale ce muhiimka ah ee dowladda

4. Xildhibaanada waxay dareen xoog leh ka muujiyeen wada tashi la’aanta lagu dhisay golaha wasiirada, iyadoon aan wax talo ah laga siin dhinacyada ay khuseyso sida siyaasiyiinta iyo xildhibaanada qaranka, madaxda dowlad-goboleedyada qaar iyo qeybka kale ee bulshada gaar ahaan beelaha kuraasta ay dhaxeyso.

5. Xildhibaanada waxay xuseen in xubnaha wasiirada aan lagu saleyn deegaanada dalka, waxaana liiska golaha xukuumada ka dhex muuqda gobolo tiro badan oo wasiiro ah la siiyey, halka gobolo ugu banxada weyn dala sida gobolka Shabeelaha Hoose uusan helin wax metalaad heer wasiir ah. taasina ay cadeyn u tahay fahamdaro la xiriira metelaada beelaha iyo deegaanada kala duwan ee dalka.

Ugu dambeyn, xlidhibaanadu waxay banq u dirayaan madaxda dalka in dib loogu noqdo dhismaha liiska golaha xukuumada, si taxadar lehna loo eego iyadoo la raacaayo dastuurka dalka isla markaasna lala tashanaayo dhinacyada saxda ah ee ay khuseeyo si loo helo siyaasad xasiloon iyo xukuumad dan qaran oo hirgelisa howlaha shaqo ce hortabinta u leh qaranka iyo halkudhiga siyaasadeed ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ce ah “Soomaali Heshiis ah. Dunidana Heshiis La ah”

Wa Bilaahi Towfiq