DEG DEG:- Xoghayaha Ururka saxafiyiinta SJS oo xabsiga la dhigay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xoghayaha Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalle Axmed Muumin ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho xilli la sheegay in uu dalka ka safrayay. Muuqaal uu saakay ku baahiyay baraha bulshada ayaa waxa ku sheegay in Xafiiskiisa Muqdisho ay xalay soo weerareen ciidamo ka tirsan hay’adda NISA.

Cabdalle Muumin ayaa waxa uu shalay si kulul u naqdiyay hadalkii kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee la xiriiray xayiraadda la saaray wararka Al-shabaab. SJS ayaa ah urur u dooda xuquuqda saxaafadda, xoriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha.