DEGDEG:- Al Shabab oo dagaal kula wareegtay deegaanka Camaara ee Koonfurta Mudug.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Camaara ee koonfur Mudug ayaa waxaa uu sheegayaa in Al Shabab ay halkaas dagaal kula wareegeen.

Dadka degaanka ayaa ku waramay in dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay degaanka Camaara , kaas oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac iyo Al-Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay in halkaas ayaa dagaal loogala wareegay kadib markii dagaal cusub uu saaka ku dhexmaray iyaga iyo Al-shabaab.

Sida ay Sheegteen Alshabaab waxa ay Camaara ku soo bandhigeen 10 Gaadiidka dagaalka ah oo ay tilmaamen in ciidanka xoogga dalka ay ka qabsadeen.

Weli majiro war kasoo baxay ciidanka dowladda federaalka oo looga hadlayo dagaalka.