DEGDEG:- Ciidamada Madaxtooyada oo ku biiray howlgalka lagula jiro Tuugada

MUQDISHO-AYAAMAHA-War hada soo dhacay ayaa sheegaya in Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ay gacanta ku dhigeen nin bastoolad ku hubaysnaa oo dhac ka gaysanayay degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir.

Ninkaan ayaa taleefan ka dhacay haweeneey wadada maraysay kadib markii uu katagay ayay utimid ciidamada ilaalada madaxtooyada oo saakay la soo dhigay wadada uu soo mari laha madaxwaynaha Gaar ahaan inta udhaxayso isgoysyada Xamar Jajab iyo Ombaratooriyo Ceelgaabta intaas ka dib ciidamada ayaa aaday goobta uu ninkaann falka ku gaystay gacanta ayayna ku soo dhigeen.

Waxa ay ka qaadeen Bistooladii uu dadka ku dhacaayay kadibna waxa ay ka xereen indhaha asigoo sheeganaayo in uu yahay ciidan balse kama aysan yeelin waxa ay ku wargaliyeen in ay ku wareejinayaan Taliska Booliska degmada asiga iyo hubka uu dadka ku dhacayay ayna wehliso haweyneeydii soo sheegtay in uu taleefan ka dhacay si talaabo sharci ah looga qaado.

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada loogama baran inay howlgal tuugo bacsi ka sameeyaan xaafada Magaalada Muqdisho balse waa markii ugu horreysay ee tillaabadan ay qaadaan.