DEGDEG: Maydka gabar yar oo laga helay Degmada Dharkenlay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya Degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaas laga helay Meydka gabar yar oo si fool xun loo dilay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in maydka gabadhaan yar lagu soo riday digsiga nooca cuntada lagu kariyo ayaa laga helay waaxda dhamme Yaasiin Carte ee degmadaas.

Waalidiinta gabadhaan ayaa dhawaan baafinaayay si ay u helaan gabadhooda balse nasii daro maanta ayaa meydkeeda lagu arkey meel aan ka fogeen gurigii ay deganaayeen.

Arrintan ayaa dadka degaanka aad ugu naxeen lamana oga cida ka dambaysay dilka gabadhaan.

Laamaha Ammaanka Degamada Dharkeynley ayaa la sheegay inay arrintaan dilka ah ay u xiraan ku dhawaad todoba qof oo loogu shakiyay dilka.

Amniga Magaalada Muqdisho ayaa marba marka kasii dambeysa sii xumaanaya, waxaana dhacdadaan noqotay mid aad loo hadal haayo.