DEGDEG:- Ra’iisul wasaare Rooble oo kala diray Guddiyada Doorashooyinka.

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo uga mahad celinaya dhammaan guddiyada kala duwan ee Doorashooyinka dadban waajib gudashadoodi Qaran, ayaa waxa uu si rasmi ah u kala diray dhammaan Guddiyada Doorashooyinka dadban 2020/22, iyadoo xil-gudashadoodu ku ekeyd doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska R’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Kuraasta Baarlamaanka ay guddiyada go’aamiyeen in dib loo soo doorto ama Banaanaada sabab kasta ha ku dhacdee waxaa doorashadooda maamulaya Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyaga oo raacaya isla habraacyadii horay loogu soo doortay Baarkamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.