Deked Ku Taalla Dalka Imaaraadka Carabta Oo La Qarxiyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa dab iyo qarax qabsaday Markab xamuul oo ku sugnaa Dekedda Jebel Ali oo ku taalla Koonfurta magaalladda Dubai.

Warbaahinta ee Dowlad-gobaleedka Dubai ayaa sheegtay inay Kooxaha Dab-damiska ku guuleysteen daminta dabka ka kacay Markab nooca Kontaynarada xambaara, mana kala cadda waxa sababay qaraxaasi.

Dekedda Jebel Ali Port waa Dekedda ugu mashquulka badan Dekedaha ku yaalla Bariga Dhexe, waxayna xarun u tahay 8,000 oo Shirkado Ganacsi.

Dadka Deegaanka waxay maqleen Qarax weyn, kaasi oo ruxay dhismayaal dhowr Kiilomitir ka fog Dekedda Jebel Cali.

Ilo wareedyadu waxay xaqiijiyeen inaanu jirin wax qasaaro naf ah oo ka dhashay dabka ka kacay Qaraxa iyo markabka, hayeeshee ay socdaan baritaano la xiriira sababaha qaraxa.