Deni & Axmed Madoobe oo soo bandhigey dalab cusub oo ku saabsan doorashada.

doorashada lagu soo koobo hal Magaalo
doorashada lagu soo koobo hal Magaalo

GAROOWE-AYAAMAHA-Waxaa Magaalada Garoowe ee Xarunta  Gobolka Nugaal kulamo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Golaha Shacabka ku yeeshay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ,waxaana kulamadaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland in ay isku afgarteen in doorashada Golaha Shacabka lagu soo koobo hal Magaalo maadaama horay loogu heshiiyay in laba Magaalo lagu qabto

Xogaha la helayo ayaa sheegay in arrintaasi ay u sababeeyeen Amni-darro ay sheegeen inay ka jirto Magaalooyinka Beledweyne iyo Garbahaarrey oo sida ay sheegeen aysan suurta-gal ahayn in doorashooyin lagu qabto.

Sidoo kale labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland oo xulafo gaar ah ayaa isku raacay in go’aankooda ay u gudbiyaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo u xilsaaran wadida arrimaha doorashooyinka si loo dardar geliyo Doorashada Golaha Shacabka oo gaabis ku jirta.